Ra’iisul Wasaare Xamsa oo amray in si degdeg ah loo fasaxo duulimaadyada Garoonka Muqdisho

Image
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoolka garoonka kula hadlay qaar ka mid ah rakaabka.

Muqdisho, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo booqday garoonka Aden Cadde ayaa amray in si degdeg ah loo fasaxo duulimaadyada, ka dib cabashooyin ka timid shacabkii dayaaradaha sugayay.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaaraha oo ka jawaabaaya cabashooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa garoonka dayaaradaha Aden Cadde ayaa booqasho deg deg ah ku tagay garoonka halkaasi oo kula kulmay shacabkii dayaaradaha sugayay, oo uu ka dhageystay cabashooyinkooda.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku amray wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maamulka Garoonka iyo Shirkadaha Dayaaradaha inay si deg deg ah u qaadaan dadka rakaabka ee sugayay safaradooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo hoolka garoonka kula hadlayay qaar ka mid ah rakaabka ayaa sheegay in dowladdu ay ka xuntahay dib u dhaca iyo culeyska ku yimid safaradooda, isaga oo ballanqaaday in arrintan oo kale aanay dib u soo laaban doonin.

Waxaa Saakay ku xayirnaa garoonka diyaaradaha Muqdisho boqolaal dadwayne ah oo ay ku jiraan qaar xanuunsan kadib markii is-faham-waa uu ka dhashay bixinta lacago dheeraad ah oo la sheegay in ay soo rogtay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM