Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi oo codsi u diray Midowga Yurub

Image
Dalabkan ayuu la wadaagay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Arbacada maanta ah waxa uu xafiiskiisa magaala madaxda Muqdisho ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms Tiina Intelmann.

Labada mas'uul ayaa waxay ka wada hadleen "sidii mashaariicda horumaniyeed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya loogu salayn lahaa barnaajiyada ahmiyadda u leh xukuumadda Dan-Qaran".

Intelmann ayaa, sidda uu sheegay xafiiska Xamse, waxay la wadaagtay Ra’iisul Wasaaraha in Midowga Yurub uu sii wadi doono barnaajiyadda horumarinta ee uu ka taageero Soomaaliya.

Midowga Yurub ayay hoosta ka xariiqdey in xilligan uu kaalin wayn ka qaadan doono barnaamijka xasilinta deegaannada laga xoreeyey dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u jeediyay Danjiraha Midowga Yurub in mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh dowladda xilligan.

Si gaar ah ayuu u xusay xasillinta deegaannada laga xoreeyey Al-Shabaab oo hadda ay xukuumaddu ka wado hannaankii dadka deegaanka lagu gaarsiin lahaa adeegyadda aasaasiga ee Khawaariijtu ka curyaamisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula Jiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM