Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo magacaabay Wasiiro cusub

Image
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhawaan isku shaandheyn ballaaran ku sameyn doono Golihiisa Wasiirada.

Muqdisho, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha ْXukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Wasiiro cusub u magacaabay Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Guriyeynta, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye u magacaabay Wasiirka cusub ee Beeraha iyo Waraabka XFS.

Wuxuu sidoo kale Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) u magacaabay Wasiirka howlaha Guud iyo Guriyeynta, xilli magacaabistan ay dhaqan geshay maanta oo uu saxiixay Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaa xusid mudan in khubarada siyaasadda ay filayeen in la buuxin doono xilalka banaan ee Golaha Wasiirada, sida Wasiirada Arrimaha Dibadda, Amniga, iyo Haweenka, taas oo aan wali dhicin.

Balse wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamsa uu isku shaandheyn ballaaran ku sameyn doono Golihiisa Wasiirada, isla markaana boosas-ka banaan lagu buuxin doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM