Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo magacaabay Wasiiro cusub

Image
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhawaan isku shaandheyn ballaaran ku sameyn doono Golihiisa Wasiirada.

Muqdisho, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha ْXukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Wasiiro cusub u magacaabay Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Guriyeynta, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye u magacaabay Wasiirka cusub ee Beeraha iyo Waraabka XFS.

Wuxuu sidoo kale Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) u magacaabay Wasiirka howlaha Guud iyo Guriyeynta, xilli magacaabistan ay dhaqan geshay maanta oo uu saxiixay Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaa xusid mudan in khubarada siyaasadda ay filayeen in la buuxin doono xilalka banaan ee Golaha Wasiirada, sida Wasiirada Arrimaha Dibadda, Amniga, iyo Haweenka, taas oo aan wali dhicin.

Balse wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamsa uu isku shaandheyn ballaaran ku sameyn doono Golihiisa Wasiirada, isla markaana boosas-ka banaan lagu buuxin doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM