Ra'iisul Wasaare Xamse oo booqasho ku tagaya waddanka Kenya

Image
Socdaalkan ayaa imaanaya xilli uu Nairobi ka socdo shirka 3-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maalintii sedexaad ayaa waxaa magaalada Nairobi ka socoda shirka 3-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya Joint Commission for Cooperation (JCC) inta u dhexeysa 3-da illaa 6-da May, 2024-ka.

Shirkaan heerka farsamo waxaa wafdiga Soomaaliya ku hogaaminaya Mohamed Fatiir Agaasimaha Afrika Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxaa sidoo kale goobjoog ka ah Ambassador Jabriil Ibraahim Cabdulle, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Shirka ayaa noqon doona labo kalfadhi Kulamada qeybta gudiga wadajirka ah ee farsamo ee 3-da ilaa 5-ta May iyo kan Wasiirada Isniinta 6-da May kaas oo uu guddoomin doono Wasiirka arrimaha Dibada Amb Fiqi iyo dhigiisa Dr. Musalia Mudavadi.

Inta lagu guda jiro qaybaha dooduhu waxay diiradda saari doonaan dhinacyada horumarinta iskaashiga ganacsiga, kaabayaasha, amniga, beeraha, dalxiiska, caafimaadka, waxbarashada, iyo dhaqaalaha buluugga ah.

"[Shirka] JCC ayaa waxaa xigi doona booqashada Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E. Xamza Cabdi Bare," ayaa lagu soo gabagabeeyay war qoraal kooban oo warbaahinta dowladda ay ka faafisay shirkan maalmaha soconaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM