Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la yeeshay madaxda hay’adaha amniga

Image
Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa dhammaan saraakiisha ay khuseyso amniga caasimadda.

Muqdisho, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey amniga guud ee dalka, ciribtirka AS iyo sidii loo sii adkeyn lahaa ammaanka caasimadda.

Qoraal uu soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri: “Kulankan waxa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga, gaar ahaan xilligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan oo kooxaha Khawaarijtu ay caadeysteen in ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii lagu guda jiray kulanka ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in hey’adaha amnigu ay la yimaadaan feejignaan dheeri ah, si Maleeshiyaadka AS aanay fursad ugu helin dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay mudnaanta koowaad ugu leedahay Xukuumaddiisa ciribtirka kooxaha argagaxisada ah ee baneystay nafta iyo maalka bulshada Soomaaliyeed, sida qoraalka lagu xusay.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha, Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM