Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la yeeshay madaxda hay’adaha amniga

Image
Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa dhammaan saraakiisha ay khuseyso amniga caasimadda.

Muqdisho, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey amniga guud ee dalka, ciribtirka AS iyo sidii loo sii adkeyn lahaa ammaanka caasimadda.

Qoraal uu soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri: “Kulankan waxa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga, gaar ahaan xilligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan oo kooxaha Khawaarijtu ay caadeysteen in ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii lagu guda jiray kulanka ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in hey’adaha amnigu ay la yimaadaan feejignaan dheeri ah, si Maleeshiyaadka AS aanay fursad ugu helin dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay mudnaanta koowaad ugu leedahay Xukuumaddiisa ciribtirka kooxaha argagaxisada ah ee baneystay nafta iyo maalka bulshada Soomaaliyeed, sida qoraalka lagu xusay.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha, Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM