Ra'iisul Wasaare Xamza oo safar ugu ambabaxay dalka Iraq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta oo Khamiis ah safar ugu ambabaxay dalka Ciraaq, ka dib casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, Maxamed Shiicada Al Suudaani.

Booqashadan ayaa ujeedadeedu tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada dal iyadoo wadahadallo ay madaxda Ciraaq kala yeelanayaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin iskaashiga amniga iyo danaha labada dal.

Booqashada Ra’iisul Wasaare Barre ayaa ku soo beegantay xilli Soomaaliya iyo Ciraaq ay la daalaa dhacayaan caqabadaha argagixisada. Wadahadalladan heerka sare ah ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, iyo sidoo kale dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka, waxbarashada, iyo caafimaadka.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq oo labaduba ka tirsan Jaamacadda Carabta. Madaxda Jaamacadda Carabta ayaa ku kulmaya dalka Baxreyn, iyagoo ka wada hadlaya arrimo badan oo ay ka mid yihiin arrimaha ka taagan Badda Cas, Khatarta ku wajahan socdaalka Gacanka Carbeed, dhibaatooyinka soohdinta ee Jabuuti iyo Eritrea, colaadda dhiigga badan ku daatay ee Suudaan iyo dalal kale oo Carab ah. .

Booqashada Ra’iisul Wasaare Barre ee dalka Ciraaq ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka sare u qaadida xiriirka labada dal oo muddo dheer ka dhaxeeyay dano guud oo ku aadan la dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee rabshadaha wata. Wadahadalladan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro danaha labada dal ee faa’iidada u leh labada shacab, iyadoo la muujinayo muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu kulamo heer sare ah la qaadanayo madaxda dalka Ciraaq, ayaa socdaalkan loo arkaa mid lagu sii xoojinayo xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ay si wadajir ah u wajahayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM