Ra'iisul Wasaare Xamza oo safar ugu ambabaxay dalka Iraq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta oo Khamiis ah safar ugu ambabaxay dalka Ciraaq, ka dib casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, Maxamed Shiicada Al Suudaani.

Booqashadan ayaa ujeedadeedu tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada dal iyadoo wadahadallo ay madaxda Ciraaq kala yeelanayaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin iskaashiga amniga iyo danaha labada dal.

Booqashada Ra’iisul Wasaare Barre ayaa ku soo beegantay xilli Soomaaliya iyo Ciraaq ay la daalaa dhacayaan caqabadaha argagixisada. Wadahadalladan heerka sare ah ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, iyo sidoo kale dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka, waxbarashada, iyo caafimaadka.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq oo labaduba ka tirsan Jaamacadda Carabta. Madaxda Jaamacadda Carabta ayaa ku kulmaya dalka Baxreyn, iyagoo ka wada hadlaya arrimo badan oo ay ka mid yihiin arrimaha ka taagan Badda Cas, Khatarta ku wajahan socdaalka Gacanka Carbeed, dhibaatooyinka soohdinta ee Jabuuti iyo Eritrea, colaadda dhiigga badan ku daatay ee Suudaan iyo dalal kale oo Carab ah. .

Booqashada Ra’iisul Wasaare Barre ee dalka Ciraaq ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka sare u qaadida xiriirka labada dal oo muddo dheer ka dhaxeeyay dano guud oo ku aadan la dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee rabshadaha wata. Wadahadalladan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro danaha labada dal ee faa’iidada u leh labada shacab, iyadoo la muujinayo muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu kulamo heer sare ah la qaadanayo madaxda dalka Ciraaq, ayaa socdaalkan loo arkaa mid lagu sii xoojinayo xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ay si wadajir ah u wajahayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM