Ra'iisul wasaarihii hore Sharmaake oo ku baaqay in loo diyaargaroobo dagaal lagu difaacayo dalka

Image
Cumar Cabdirashiid Sharmaake ayaa sheegay in aan la dhayalsan karin damaca Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Muqdisho, Soomaaliya - Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa Wareysi uu siiyay Warbaahinta gaarka loo leeyahay “Hanoolaato” ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed inay u diyaargaroobaan dagaal lagu difaacayo dalka.

Cumar Cabdirashiid Sharmaake ayaa sheegay in aan la dhayalsan karin damaca Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Ra’iisul Wasaarihii hore oo sifeeyay shaqsiyadda Abiy Axmed ayaa ku tilmaamay nin ay wax walba ka suurtoobaan, isaga oo yiri:

“Abiy Axmed waxa uu ka shaqeynayaa kala qeybinta Soomaaliya, waxaan qabaa in aan la dhayalsan karin waayo wax badan ayuu ku dhiiran karaa sida in uu dagaal bilaabo.”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale soo jeediyay in aan la aqbalin codsigii Abiy Axmed ee ahaa in madaxda IGAD ay ku kulmaan shir looga hadlayo rabitaankiisa ah in uu helo qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM