Rag "xeelad cusub" Muqdisho uga fuliyey qarax oo la xukumayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxaa lasoo teegay saddex shaqsi, kuwaasi oo loo haysto qarax ka dhacay Muqdisho, kaasi oo lagu dilay ku dhowaad 15 ruux.

Weerarkaasi oo ay Al-Shabaab sheegatay ayaa 26-ka bishii November ee sanadkii hore 2018-kii, waxa uu ka dhacay xaafada Kaawa Godey, degmada Wadajir ee magaala madaxda dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Eedeysaneyaasha ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay; Xasan Cali Macalin Barre [Xasan Boy], Sayid Cali Aadan Nuur [Istiin Boy] iyo Maxuyadiin Axmed Maxamed Khilaaf [Siijey].

Dadka dhacdadaasi ku naf-waayey ayaa waxaa kamid ah; Dhame Maxamed Muxuyadiin Maxamuud [Abooreyste] iyo hooyadiis, Xaawa Xasan Maxamed. Maxamuud aabihii waxaa horey u dishay Al-Shabaab.

Eedeysanaha koowaad, Xasan, ayaa lagu qabtay gaariga qarxay, halka eedeysanaha labaad, Nuur, uu "farsameeyay" qarxa. Istiin Boy waxa uu Abti u yahay Xasan, sidda ay maxkamadda u sheegeen.

Xeer-illaalinta oo fadhiga maxkamadda horkeentay "caddeymo" muujinaya in raggan ay geysteen falka ayaa labada eedeysane koowaad waxay codsatay in garka loo geliyo xukun dil toogasho ah.

Mr Siijey, oo ay mar horey AlShabaab u xirtay in uu maan-dooriye adeegsado, ayay dacwad oogeyaasha soo jeediyeen in lagu xukumo xukun ciqaab oo xabsi ah, maadaama "kaalintiisa aysan ahayn mid buuran".

"Xeeladda cusub"

Cabdullaahi Buuley Kamey, xeer-ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sidda, ayaa tilmaamay in shaqsiyaadkan ay bareen shacabka Soomaaliyeed "dhagar cusub oo aysan ku buraarugsaneyn".

"Hadii ay markii hore ku gamban jireen Diinta oo ay la baxeen Abuu; maanta waxay la baxeen Siijey, Istiin Boy, Xasan Boy…waxay la baxeen magacyadii Aal-kuluusteyaasha [dadka maan-dooriyeha isticmaala] si ay isugu qariyaan," ayuu yiri.

Qareenada difaacaya eedeysaneyaasha oo sheegay in kalyeeniyadooda aysan gelin wax dambi ah ayaa soo jeediyay in xorriyadooda loo celiyo maadaama xeer-ilaalinta aysan la imaan "caddeymo cad-cad".

Maxkamadda Ciidamada Milatariga oo alaaba xukunta ragga loo haysto Shabaabnimo, Daacishnimo iyo Askarta dambiyada gasha ayaa lagu wadaa in maalmaha soo aadan ay go’aan rasmi ah kasoo saarto kiiskan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM