Ra'iisal Kheyre oo ku dhawaaqaya Golahiisa Wasiiradda

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu ku dhawaaqo Golahiisa Wasiirrada, waxaan kasoo muuqan doono wajiyo aan ku cusbayn Siyaasadda dalka.

Illo wareedyo ku sugan Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in Golaha Wasiirada cusub ay ka kooban yihiin 26 xubnood, oo Labo ilaa saddex kamid ah yihiin Haween.

Xogaha aan helayno ayaa waxay sheegayaan in Shaqsiyaad hore ugu soo jiray Siyaasadda, oo uu kamid yahay Yuusuf Garaad, Ergayga Somalia ee QM loo magacaabayo xilka Wasiirka Arrimaha dibadda.

Madaxda maamulka dalka, ayaa si aad ah ugu muransanaa maalmahan qeybsiga Wasiirrada Maaliyadda, Gaashaandhigga, Arrimaha Dibadda, Gudaha, iyo Amniga, kuwaasi oo ah Wasaaradaha ugu muhiimsan xukuumadda lasoo dhisi doono.

Magabaacista Golaha Wasiirrada Ra'iisul Wasaare Kheyre ayaa ka haray mudo 10 maalmood ah, waxaana Baarlamaanka uu ka codsaday inuu soo dedejiyo, si Xildhibaanada ugu ambabaxaan deegaanadooda.

Madaxweynaha Somalia Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu u safro dalka Kenya, waxaana la filayaa inta uusan dalka ka dhoofin Khamiista soo aadan lagu dhawaaqo Golaha Wasiirrada dalka.

Tallaabada magacaabista ayaa noqonaysa tijaabada ugu horaysa ee uu marayo Ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre.

GAROWEONLINE

Related Articles

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM

Laftagareen oo Baydhabo ka bilaabay kulamo ku saabsan “faragelinta” dowladda Federaalka

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in xiriirka u dhexeeya labada heer ee dowladda uu noqdo mid ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi dhab ah.

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 12:28PM