Ra’iisal Wasaare Kheyre oo kormeeray xarumo dowladeed [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha Wasaaraddaha dowladda ee ku yaalla magaalada Muqdishu.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa mid mid u galay xafiisyada xarumaha Warfaafinta, Kalluumeysiga, Isgaarsiinta Haweenka iyo xaquuqul insaanka, waxa uuna mid mid u wareystay agaasime waaxeedyada, waxa uuna ka wareystay horumarka iyo caqbadaha howlaha shaqada.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa booqday Xafiisyada Wasaaradda Haweenka, isaga oo ku kulmay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda haweenka Samra Ibraahim Cumar iyo agaasimaha Guud ee wasaaradda.

Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay ujeedka socdaalkiisa, wuxuu sheegay inuu hubinayo sida qaranka loogu adeegayo.

“Sababta aan sida kediska ah idiinkugu soo booqday waxay tahay inaan hubiyo Hannaanka shaqada ee Wasaaradahan, waxaana si joogto ah booqasho ugu imaan doonaa dhamaan xarumaha Wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee fulinta” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre.

Intii uu ku guda jiray kormeerkan howleed, Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa tagay xafiisyada Wasaaradda Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha, isaga oo xafiiskiisa ugu galay Wasiirka Warfaafinta Ing. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

“Shaqaalaha Wasaaradaha waxaa laga rabaa inay kordhiyaan wax soo saarkooda iyo howlohooda shaqo, xukuumadeyduna waxay ku dadaaleysaa inay helaan xaquuqdooda iyo agabka shaqada si loogu sahlo Hannaanka shaqada,” Ayuu yiri Khayre.

Booqashadan ayaa qayb ka noqonaysa kuwo uu horay u sameeyay Ra’isal wasaaraha Somalia tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, wuxuuna dhawan sidaan oo kale u tagay dekedda magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM