Muxuu yahay ujeedka socdaalka ra'iisul wasaare Khayre ee Qadar?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa maanta oo Jimce ah wuxuu u ambabaxay dalka Qadar.

Wafdiga wasiirka koowaad waxaa qayb ka ah Cabdiraxmaan Maxamed, gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee dalka, oo horey u soo noqdey lataliyaha arrimaha dhaqaalaha ee xafiiska Khayre.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xukuumada ayaa socdaalka ra'iisul wasaaraha ku sifeeyay mid shaqo, balse lama bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan ujeedada iyo madaxda uu la kulmayo.

"Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Khaire iyo wafdi uu hoggaaminayo oo qayb uu ka yahay Guddoomiyaha Bangiga dhexe ayaa safar shaqo ugu baxay Dalka Qatar," ayaa lagu yiri bayaanka kooban.

Warar horudhac ah ayaa xusaya in Khayre uu la kulmi doono dhigiisa cusub ee Qadar, Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani, kaasoo xafiiska la wareegay 28-kii Janaayo sanadkan 2020-ka.

Warbixinada ayaa intaas ku daraya in qodobada ay kawada hadli doonan ay ku jirto sidii dib loogu bilaabi lahaa dhaqaalihii ay Dooxa siin jirtay Soomaaliya oo hakad ku yimid markii u yimid Al Thani.

Qatar, oo gacansaar dhow la leh dowladda uu leeliyo madaxweyne Farmaajo ee muddo xileedka gabaabsi ka yahay, ayaa horey u bixisay dhaqaalo lagu maalgeliyey mashaariicyo iyo arrimo siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM