Ra'iisul Wasaare Khayre oo ku wajahan Baydhabo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta la filayaa inay u ambabaxo magaalada Baydhabo, ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Safarka Ra'iisul Khayre ayaa ah mid hore loo filayay oo baaqday Todobaadkan markii uu booqday magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose, isaga iyo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wararka aan ka helay Baydhabo ayaa sheegaya in magaalada uu ka socdo diyaargarowga soo dhaweynta Khayre, iyadoo aad loo adkeeyay amniga waxaana garoonka diyaaradaha ku sugan mas'uuliyiin kala duwan.

Ujeedka socdaalka Ra'iisul wasaaraha ee Baydhabo wali lama shaacin, balse wararka hoose ee Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya inuu la xiriiro qabashada Shirka Gollaha Wasiirada oo maalinta berri ah ka furmayo magaaladaasi.

Kulankan ayaa la filayay in sabtidii lasoo dhaafay uu ka dhaco Baydhabo, balse baaqday maadaama maamulka Koonfur Galbeed u dabaal-degayay sanad-guuradeedii 3-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM