Ra'iisul Wasaare Khayre oo lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo

Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Khayre oo ay wehliyaan wasiiro iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa soo dhaweeyey mas’uuliyiinta Dowlad goboleedka oo uu hogaaminayo madaxweyne Cabdi Caciis Lafta Gareen.

Inta uu joogo halkaasi wuxuu la kulmi doonaan madaxda Koonfur Galbeed iyo bulshada deegaanadaasi, oo uu kala xaajoon doono arrimo quseeya amniga, horumarka iyo nabadda.

Mashaariicyo horumarineed ayaa lagu waramayaa in uu dhaxgax dhigi doono kahor inta uusan socdaal dheer ugu kicitamin qaybo badan oo kamid ah gobolada maamulkaasi.

Ammaanka magaaladda ayaa sarre loo qaadey, waxaana lagu arkayaa wadooyinka ciidamo dheeraad ah, kuwaasi oo ka qeyb-qaadanaya xaqiijinta xasiloonida magaaladda.

Wasiirka koowaad ee federaalka ayaa kasoo kicitay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaasi oo uu ka waday dadaalo dib u heshiisiineed, wuxuuna furay Shirka dib u Heshiisiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM