Ra'iisul Wasaare Khayre oo lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo

Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Khayre oo ay wehliyaan wasiiro iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa soo dhaweeyey mas’uuliyiinta Dowlad goboleedka oo uu hogaaminayo madaxweyne Cabdi Caciis Lafta Gareen.

Inta uu joogo halkaasi wuxuu la kulmi doonaan madaxda Koonfur Galbeed iyo bulshada deegaanadaasi, oo uu kala xaajoon doono arrimo quseeya amniga, horumarka iyo nabadda.

Mashaariicyo horumarineed ayaa lagu waramayaa in uu dhaxgax dhigi doono kahor inta uusan socdaal dheer ugu kicitamin qaybo badan oo kamid ah gobolada maamulkaasi.

Ammaanka magaaladda ayaa sarre loo qaadey, waxaana lagu arkayaa wadooyinka ciidamo dheeraad ah, kuwaasi oo ka qeyb-qaadanaya xaqiijinta xasiloonida magaaladda.

Wasiirka koowaad ee federaalka ayaa kasoo kicitay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaasi oo uu ka waday dadaalo dib u heshiisiineed, wuxuuna furay Shirka dib u Heshiisiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM