Ra'iisul Wasaare Khayre oo u safray Norway [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo Axad ah u duuley wadanka Nowray.

Wafdiga wasiirka koowaad ee Soomaaliya, waxaa qeyb ka ah, Wasiiro ka tirsan xukuumadiisa, oo uu kamid yahay Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, Xilldhibaano iyo shaqaalaha xafiiska Khayre.

Waxaa Garoonka diyaaraha caalamiga ah ee Aadan Cadde wafdiga Ra'iisul Wasaaraha kusii sagootiyay mas'uuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo xubno kale oo katirsan dowladda.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in Ujeedka safarka Khayre uu la xiriiro ka qeybgalka shir caalami ah, kaasoo loo yaqaan "Madasha Oslo Forum", kaasoo madax ka socota Deeq-bixiyaasha iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ka qeyb-galayaan.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ma bixin faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan safarka Khayre, inta maalin ee uu qaadan doono, iyo hadii ay jiraan madax uu kula kulmi doono Oslo.

“Maanta waxaan safar shaqo ah u raacay Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre, waxaan u soconaa sidii aan aduunka ugu qancin laheyn isbedelka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee uu sameeyay wadanka," ayuu yiri Wasiir Beyle. 

Safarkaan uu ku aaday Ra'iisul Wasaare Khayre wadanka Norway ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo lagu wado in dalka Belgium-ka uu isna ka furmo bishaan dhexdeeda shir arrimaha amniga Soomaaliya ku saabsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM