Ra'iisul Wasaare Rooble oo helay Kalsoonida Baarlamaanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa codka kalsoonida siiyay Ra'iisul Wasaaraha cusub, Maxamed Xuseen Rooble oo 17-kii bishan uu magacaabey Farmaajo, isagoo bedalaya Khayre oo 25-kii July xilka looga qaadey Mooshin uu Gollaha Shacabka u codeeyay.

Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxanmed Mursal ayaa ku dhawaaqay in 215 mudane oo soo xaadirtay kulankii Maanta ay codka kalsoonida siiyeen Rooble, isagoo intaasi ku daray inaysan jirin Xildhibaano diiday ama ka aamusay.

Mursal ayaa xusay in Rooble la dhaarin doono markale, maadaama uusan kulankii maanta tagin Madaxweyne Farmaajo oo la filayay inuu khudbad ka jeediyo, iyadoo aan la shaacin sababta baaqshadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM