Ra'iisul Wasaare Rooble oo Xafiiska lagu wareejiyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa Maanta oo Axad ah Xafiiska ku wareejiyay Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo 17-kii bishan xilka u magacaabey Farmaajo.

Munaasabad ka dhacday xafiiska Ra'iisul wasaaraha ayay labada Mas'uul xilka ku kala wareegeen, iyadoo uusan goobta joojin Ra'iisul wasaarihii xilka laga qaadey 25-kii July Xasan Cali Khayre, oo ahayd inuu isaga sameeyo xil wareejinta.

Rooble oo haysta mudo 4 bilood ah, ayaa laga sugayaa inuu soo magacaabo Golle Wasiirro, iyadoo soo xulista laga cabsi qabo inay waqti kale ka lumiso, islamarkaana culeys kala kulmo inuu qabto howlaha muhiimka ah, sida doorashadda.

Farmaajo ayaa dhawaan heshiis siyaasadeed oo lagu galayo doorashooyinka la saxiixday Madaxda Maamullada dalka, kaasoo shalay ay Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamanka ansixiyeen, iyadoo hadda dalka uu yeesho heshiis doorasho oo loo dhan yahay.

Laguma sheegin heshiisn waqtiga doorashadda, balse waxaa ku xusan in October ay billaabanayso qorshaha doorashooyinka, taasoo loo fasiran karo inuu jiri doono mudo-korarsi farsamo [Technical extension], iyadoo inta laga soo dooranayo Baarlamanka cusub, uu sii shaqeyn doono midka hadda jooga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM