Ra'isal wasaare Khayre oo ka aamusan weerarkii Naasa Hablood2

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo kadib markii maalintii shaley dib ugu soo noqdey magaalada Muqdisho weerar lala beegsadey Hotel Naasahablood2 ee magalada Muqdisho kaasoo dad badan ku dhinteen ayaa weli wax hadal ah kasoo saarin dhacdadaan.

Mudane Khayre iyo Wasiirkiisa amniga oo safar ugu ambabaxey maalmo kadib baroordiiqdii loo sameynayey dadkii ku dhamaadey qaraxa Zoobe ayaan weli fariin ku aadan weerarka lala beegsadey Hotel Naasahablood2 iyadoo labada barood ee uu ku leeyahay Facebook iyo Twitter aysan ka muuqan hadalo la xiriira weerarka kooxaha argagiixsada la beegsadeen dad shacab ah iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Khayre oo lagu yaqaaney fariimo deg deg ah markii falalka noocaan oo kale dhacaan ayaa dad badan waxay maalmihii lasoo dhaafey isweydiinayeen sababta keentey in iyadoo laga sugayey xukuumadiisa iney adkeeyaan amniga magaalo islamarkaana warbixin kasoo saaraan baaristii lagu sameeyey qaraxa Zoobe ayaa safar ku aadey dalka Turkiga isagoo horey u sii kaxeystey Wasiirkiisa amniga.

Safarka Turkiga oo la sheegey in horey loo qorsheeyey ayaa Ra'isal wasaare Khayre ka ambabaxey garoonka diyaaradaha Muqdisho 25 Oc, 2017 taasoo aheyd isla-maalintii Madaxweyne Farmaajo dalka dib ugu soo noqdey.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safar maalmo kadib baroordiiqdii loo sameynayey dadkii ku dhintey qaraxa Zoobe isagoo booqasho ku soo kala baxshey wadamada ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa habeenkii xaley fariin uu ku baahiyey bartiisa Internet-ka ku leeyahay isagoo tacsi u direy eheladii dadka waxyeeladu kasoo gaartey qaraxaan.

Madaxda Soomaalida iyo hay'adaheeda amniga ayaan wax falcelis ah ka sameyn qaraxyada soo kordhey ee lala beegsanayo magaalada Muqdisho iyadoo wararku sheegayaan in kooxda Al- shabaab qorsheynayaan weeraro kale ay damacsan yihiin iney la beegsadaan dadka rayidka ah iyo saraakiisha dowlada.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM