​Ra'isal wasaarihii hore Somalia "Saacid" oo Muqdishu tagay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra'isal wasaarihii hore dalka Somalia Cabdulqaadir Farax Shirdoon Saacid, ayaa maanta tagay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia kadib safar uu uga yimid dhinaca Kampala.

Soo dhaweyn ballaaran ayaa loogu sameeyay garoonka diyaaradaha Muqdishu, iyadoo ay qaabileen maamulka gobolka Banaadir iyo xubno katirsanaa xukuumaddiisii.

Mudane Saacid oo hadal kooban warbaahinta siiyay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay imaanshaha dalkiisa isagoo ku baaqay in loo gurmado marxaladaha adag ee waddanku ku jiro.

Ex-Ra'isal wasare Saacid ayaa sidoo kale soo hadal qaaday doorashooyinka ka socda dalka ayaa sheegay in madaxda tartamaysa looga fadhiyo sidii ay u taabo galin lahaayeen nidaam ku salaysan dal jacayl oo wax ka qabta colaadaha iyo abaaraha dabo dheeraaday ee dalka ka taagnaa mudada dheer.

“Waxaan ugu baaqayaa cid walba ee ay quseyso arrinta doorashadu in dalka sharafkiisa iyo wixii meel ku dhac ku noqon kara laga digtoonaado.  Soomaaliya maanta waxay u socotaa jid wanaagsan oo u baahan in lagu gaaro xasillooni Siyaasadeed,” Ayuu yiri Saacid oo ku sugan iminka Muqdishu.

Shirdoon ayaa dalka Somalia ka noqday Ra'isal wasaare waqtiyadii u dhaxeeyay 17 October 2012 ilaa  12 Diseembar 2013 xilligaas oo lagu badalay Cabdiwali Sheekh Axmed markii Xildhibaanadu kala laabteen kalsoonidii ay siiyeen, xilli ay isku dhaceen madaxweyne Xasan Sheekh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM