Rasaas laga maqlay nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dhawaqa xabado teel-teel ah ayaa laga maqlay argagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in rasaasta ay is-weedaarsanayaan ilaaladda iyo dabley looga shakisan yahay ururka Al-Shabaab oo beegsaday huteelka SYL.

Aaga ay wax ka dhaceen fiidnimadda Talaada, 10-ka December ee sanadkan 2019, oo muhiim ah ayaa waxaa aad ugu badan ciidamadda kala duwan ee dowladda.

Goobjoogeyaal ayaa khadka telefoonka ugu sheegay warsidaha Garowe Online in rasaasta kahor la ay dhaceen laba qarax oo ka dhashay Bombaanooyin.

Cabdirisaaq Maxamed, wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, ahna mudane ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa sheegay in dabley Al-Shabaab ay galeen gudaha huteelka.

"Tani waxaa ii xaqiijiyey Xildhibaan federaal ah oo kasoo boodey darbiga Beerta Nabada," ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Cabdirisaaq.

Ma cadda khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkaan, oo kusoo aadaya xili amniga magaala madaxda dalka uu muddooyinkii u dambeeyay ahaa mid aad u degan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM