Rasaas lagu furay dad dibadbaxyo ka dhigayay Baladweyne

Image
Image
Image

JOWHAR, Somalia- Dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda Federaalka Somalia, sidoo kalena lagu taageerayoo maamulka HirShabelle, ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne.

Dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan go'aankii dowladda dhexe uga mamnuucday Diyaaradaha qaadka inay ku degaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar.

Wararka aan ka helayno gobolka Hiiraan waxay sheegayan in ciidamada dowladda ay rasaas ku fureen dibadbaxaal isagu soo baxay Beledweyne, islamarkaana ay dhaawacmeen dhowr qof oo shacab ah.

Taliye ku xigeenka Booliska Beledweyne Nuur Xasan Bidaar ayaa sheegay in labo qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen rasaasta lagu furey dibadbaxayaal taageero u muujiyay dowladda Federaalka Somalia.

Wasiirka Warfaafinta HirShabelle Mahad Xasan Cusmaan ayaa xaqiijiyay dibadbaxyada ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, kuwaasi oo uu sheegay in looga soo horjeedo dowladda Somalia.

Magaalooyin kale oo kamid ah HirShabelle sida Balcad, Buuloburde iyo Mahadaay ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhaceen banaanbaxyada looga soo horjeedo dowladda dhexe.

Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa dhawaan sheegay inuusan aqbali doonin go'aanka dowladda dhexe uga joojisay diyaaradaha qaadka inay ku degaan Garoonka magaalada Jowhar.

Cosoble ayaa xusay in maamulkiisa uusan aqbali doonin cunaqabateynta dhaqaale ee lagu soo rogay deegaanada maamulkiisa.

Dibadbaxyadan ayaa la rumaysanyahay inay dabada ka riixayso xukuumadda Jowhar, taasoo muddooyinkii dambe aad u dhaliilaysay dowladda Federaalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM