Hooyo iyo gabadheeda oo ku dhintay qarax ka dhacay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan afar qof oo shacab ah ayaa waxay ku geeriyootay qarax Miino oo ka dhacay agagaarka degaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

Illo degaanka ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in dadkaas ay kasoo baxeen degaanka Lamber 60 ee isla gobolkaas.

Saraakiil ayaa tilmaamay in saddex kamid ah dadka u dhintay dhacdadaas ay hareeraha wada ka heleen xubno kamid ah jirkooda.

"Dadka dhintay saddex kamid ah waa dumar oo ay ku jiraan hooyo iyo gabadheeda. Miinada waxay la kacday iyagoo lugeynaya," ayuu yiri sarkaal lasoo xiriiray mareegta GO.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay jiraan dhaawacyadda laba kale oo la tibaaxay in xaaladooda caafimaad ay aad u liidato.

Illaa iyo haatan, lama ogga cidda halkaas ku aastay Miinadda, balse ururka Al-Shabaab ayaa joogitaan iyo saameyn ku leh aagaas.

Warbixin shalay kasoo baxday hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty ayaa lagu sheegay in colaadaha hubeysan ee ka jira Soomaaliya ay inta badan waxyeeladdu kasoo gaarto dadka shacab ah.

Dhinacyadda hubeysan ee iska soo horjeeda ayaa la tilmaamay in aysan ahmiyad koowaad siinin badbaadinta rayidka aan hubka wadan.

Qaraxaan khasaaraha badan u geystay dadka shacabka ah ayaa kusoo aadaya xili Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay muddooyinkii u dambeeyay ka wadeen gobolka dhaqdhaqaaqyo ay kula wareegayaan guud ahaan gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM