Roob caruur ay ku dhinteen oo ka da'ay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Roob xooggan oo xalay ilaa saaka ka da'ayay Muqdisho, ayaa galaaftay nolosha afar caruur ah, oo kamid ahaa qoysas barakaciyaal ah oo ku nool magaalada Caasimada ah.

Roobka oo da'ay mudo 12 saacadood ah, ayaa ka dhashay fatahaad ku rogmatay xaafado badan, taasi oo cagta marisay guryo ka samaysnaa cowshado, oo ay deganaayeen shacab masaakiin ah oo kasoo barakacay abaarta iyo colaadda gobollada dalka.

Afarta caruurta ah ayaa ku dhintay Kaam Barakaciyaal ku nool yihiin oo ku yaalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, sida ay sheegeen mas'uuliyiin maamulka degmada.

Biyaha fatahaadda waxay gooyeen wadooyin badan, oo saaka aan isticmaali karin gaadiidka, kuwaasi oo ay kamid tahay mida isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Wadooyinka Muqdisho ayaanan lahayn hadda duleeladii biyaha ka bixi jireen ee xilligii hore loo sameeyay (drainage system), kuwaasi oo ay baabi'iyeen Shirkad laga leeyahay Turkiga oo dib u dhistay wadooyinka qaar ee Muqdisho.

Wadada ka baxda Lambar Afar KM4 ee aada dhanka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM