Rooble iyo Farmaajo oo loo diray baaq la xiriira askarta maqan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda muddo xileedooda uu dhamaadey ee Soomaaliya waa in ay caddeeyaan masiirka askarta ku maqan Eritrea, sida uu Jimcadii uu cod dheer ugu tartarsiiyey musharaxa madaxwayne.

Dhawaqa Cabdiraxmaan Cabdishahkuur Warsame ayaa wuxuu daba socdaa markii Mareykanka uu shalay ka dhawaajiyey in askar Soomaali ah la geeyay Itoobiya balse uusan hubin in ay tageen Tigray.

Wararka la xiriira in askar Soomaali ah oo si qarsoodi ah tababar loogu qaadey Eritrea waxay cirka isku sii shareereen markii Qaramada Midoobay ay dhowaan tibaaxdey in ay wararkaas gaareen.

Sida laga soo xigtay Warsame, maadaama guddigii ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta u saarey baaritaanka kiiskan uusan wali wax war ah soo saarin, waa madaxda dowlada "runta u sheegaan shacabka".

"Ilaa iyo haatan madaxweynaha xilkiisa idlaaday meelna kuma sheegin masiirka dhalinyaradii Soomaaliyeed ee Eritrea loo qaaday. Guddigii uu Raysalwasaaruhu magacaabay dib danbe warkooda looma maqal," ayuu ka dhawaajiyey.

Warsame ayaa ku daray: "Dawlada Maraykanka ayaa xaqiijisay in ciidan Soomaaliyeed oo Eritrea lagu tababaray ay gudaha Itoobiya ku sugan yihiin. Waa in dawladnimo, diin, damiir, iyo waalidnimo midkood idin damqiyaa".

"Waxaan ugu baaqayaa madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo xukuumada xilgaarsiinta in ay waalidiinta ubadkooda intii nool u soo celiyaan, intii dagaal shisheeye ama dayac kale u dhimatayna uga run sheegaan," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Askarta Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaadey Eritrea waxaa tiradooda lagu qiyaasay in ka badan 5,000 illaa 7,000. Balse, waxay calaamad su'aal weyn dul-hooganeysaa haddii sharciyadda iyo ujeedka lagu daabulay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM