Rooble iyo madaxda maamulada oo ka shiray walaaca doorashada

Image
Is-araggan ayaa caawa wuxuu ku qabsoomay qaab fogaan arag ah xilli xulista Aqalka Hoose ay dardar ku bilaabatay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa guddoomiyay kulan ay habka fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka, sidda xafiiskiisu shaaciyey.

Sida laga soo xigtey war-saxaafadeedka xafiiska wasiirka koowaad, wadahadaladda oo saacado qaatay ayaa waxaa diiradda lagu saaray daahfurnaanta doorashada iyo dardargelintooda.

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Golaha Wadatashiga ku boorriyay sida ay lagama maarmaan u tahay in la dhowro sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashadu noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo," ayaa la raaciyey bayaanka.

Rooble ayaa, sida ku xusan bayaanka uu xafiiskiisu faafiyey, wuxuu madasha u gudbiyay "walaaca iyo cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka".

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowlad-goboleedyada bilaabay doorashada Golaha Shacabka, isagoo ka codsaday kuwa harsan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan," ayuu ku daray xafiiska.

Qoraalka ayaa lagu soo xiray: "Madaxweyneyaasha  Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle ayaa  caddeeyay in ay maalmaha soo aaddan bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS".

Is-araggan ayaa kusoo aadaya xilli Rooble uu shalay Muqdisho kula kulmay midowga musharaxiinta kuwaasoo gadood badan ka muujiyey qaabka ay ku bilaabatay xulista Golaha Shacabka oo ay "boob" ku tilmaameen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM