Rooble iyo Warsame oo shaaciyey natiijadda kulankooda

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, iyo hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa Arbacadii waxay ku kulmeen magaala madaxda Muqdisho.

"Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame," ayuu xafiiska Rooble yiri.

Wuxuu ku daray: "Ra'iisul Wasaaraha iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka wada hadlay qabsoomidda doorasho daahfuran oo si nabdoon ku dhacda, xallinta tabashooyinka la xiriira arrimaha doorashada iyo in dhammaan dhinacyada siyaasadda oo dhami xil iska saaraan xasilloonida dalka, kana fogaadaan hadal ama ficil kasta oo niyad jab ku ah shacabka Soomaaliyeed".

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ayaa dhankiisa wuxuu soo qoray: "Waxaan maanta xafiiskiisa kulan ku yeelanay Raysalwasaaraha Dawlada Federaalka ah, mudane Maxamad Xuseen Rooble".

Wuxuu ku daray: "Waxaan ka wada hadalnay tabashada doorashooyinka ee la xariira guddiyada, arrinta Somaliland iyo Gedo".

"Wuxuu balanqaaday in uu diyaar u yahay xalinta tabashooyinka iyo xaqiijinta doorasho si nabad ah oo daahfurnaan leh ku dhacda," ayuu qeexay.

Warsame ayaa kusoo gunaanuday: "Waxaan kaloo ka wada hadalnay xorriyada ololaha doorashooyinka oo ay ka mid yihiin kulamada dadwaynaha iyo dibadbaxyada, si wadajir ahna looga shaqeeyo xasiloonida dalka".

Kulankan ayaa la sheegayaa in uu horudhac u ah wadahadalo uu Ra'iisul Wasaare Rooble doonayo in uu ku muujiyo doorkiisa ka gedaal markii ku xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed uu kaga wanaagsanaadey socdaalkii Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Jubaland

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay inay gabi ahaanba la wareegtay saldhigga iyo jasiiradda Kudhaa.

  • Soomaliya

    21-01-2026

  • 09:09AM