Rooble oo bilaabay fulinta is-afgarad madaxda DF ka gaareen guddiyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble oo xilka loo magacaabey 18 Sept,2020 ayaa waxaa soo foodsaarey culeysyo siyaasadeed oo cusub kadib markii musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya si adag uga hor-yimaadeen guddiyada doorashada ee dhowaan lagu dhawaaqey.

Guddiyadaan oo lagu eedeeyey in Villa Somalia faragalin ba’an ku sameysay ayaa sababtey in ay si deg-deg ah u kulmaan murasharaxiinta damacsan iney u tartamaan xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashada la filayo in dalka ka dhacdo 2020/2021, waxayna go’aansadeen iney gole ay kuwada dhanyihiin kaga dhawaaqaan magaalada Muqdisho asbuuca soo socda.

Musharaxiinta xilkaan oo ay ku jiraan Madaxweynayaal hore, Ra’iisul wasaare hore iyo siyaasiyiin xilal sare ka soo qabatey dalka ayaa u badan beesha Ra’iisal wasaare Rooble ka soo jeedo.

Sida warar lagu kalsoon yahay u sheegeen warsidaha GO waxaa kulan saddex geesood ah oo asbuucyadii la soo dhaafey isugu yimid Madaxweyne Farmaajo, Ra'iisul wasaare Rooble iyo agaasimaha hay’adda sirdoonka NISA kaas oo lagu falanqeeyey sidii looga hortagi lahaa diidmadda musharaxiinta guddiyada doorashada iyo saameynta ay ku yeelan karaan siyaasiyiinta beelaha ay ka soo jeedaan si lamid ah qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kulankaan ayaa, sidda warsidaha Garowe Online fahansan yahay, waxaa ka soo baxay in Ra’isal wasaare Rooble kulamo la qaato qaybaha kala duwan bulshada iyo siyaasiyiinta beelaha Hawiye, isagoo kala xaajoonaya sidii kalsooni ugu qabi lahaayeen in doorashada soo socota si xalaal ah ugu dhici doonto.

Rooble oo aan horey xirfad siyaasadeed u laheyn ayaa, sidda warar loo qaateen ah xusayaan, wuxuu kulamadii uu la qaatey odayaal iyo siyaasiyiin beeshiisa ka soo jeeda aan qarsan sida uu u rabo in Madaxweyne Farmaajo xukunka dib ugu soo noqdo islamarkaana kala shaqeynayo.

Dhinaca kale, barnaamijkaas la isla gaarey waxaa qayb ka ah in Ra’iisal wasaaruhu la hadlo saxaafada iyada wareysigiisa uga horeeyey siiyey mid kamid ah idaacad iyo talefishin fadhigiisu yahay magaaladda Muqdisho.

Wareysigaas hordhaciisa oo la baahiyey ayaa Rooble ku sheegey in mucaaradka dowladda ku kalsoonaadaan islamarkaana isugu yahay ninka ugu jira meesha oo aan la boobi karin.

"Anaa u jooga Mucaaradka, yeysan ka baqin in doorashada la boobo," ayuu yiri Rooble isagoo tibaaxay in xubnaha mucaaradka kuligood saaxiib la yahay xaq badana ku leeyahay qaarkood oo uu la soo shaqeeyey.

Wareysiga Rooble siiyey talefishinka iyo kulamada uu la qaatey qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka matkhaati kaceysa culeyska siyaasadeed ee soo foodsaarey Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa hakad-geliyey magacaabidda guddiyadii doorashada heer Federaal iyo maamul goboleed kadib markii Madaxtooyadda Soomaaliya lagu eedeeyey faragalin iney ku sameysay qaar ka tirsan xubnahaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM