Rooble oo fahfaahiyey habraaca lagu murmay ee doorashada

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa sheegay in xafiiskiisa isha ku haayo hoteelada ay degan yihiin guddiyada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay wuxuu si toos ah uga hadlay habraaca muranka dhaliyey ee doorashooyinka Aqalka Hoose.

Rooble oo maanta la kulmay guddiyada doorashooyinka heer federaal ee waddanka ayaa hoosta ka xariiqay in habraaca uu yahay mid beelaha loogu daadejinayo in ay soo xushaan kuraasta metelaysa.

Dhawaqan ayaa wuxuu imaanayaa iyaddoo wali aan la shaacin wadaxaajoodyaddii xasaasiga ahaa ee mucaaradka iyo golaha wadatashiga qaranka ka yeeshaan qadiyadan.

Sida laga soo xigtay Rooble, bulshadda rayidka waa in ay door wanaagsan ka qaadataa hanaanka soo xulista mudaneyaasha. Qoondada haweenka ee 30% ayuu ku tilmaamay "mid lama taabtaan ah".

"Bulshada rayidka waxay noqon kartaa xubin ka tirsan culimada, haweenka iyo bahda cayaaraha," ayuu ka sheegay kulanka oo ka dhacay xafiiska wasiirka koowaad ee waddanka ku leeyahay magaalada Muqdisho.

Inti ay socotay hadaljeedintisa, Rooble ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiyada in ay ka fogaadaan dhamaan dhinacyada isku haya doorashooyinka waddanka iyo in ay dhex-dhexaadnimadda ku dedaalaan.

"Waxaan maanta la kulmay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka oo aan kala hadlay arrimo khuseeya geeddi socodka, hirgelinta iyo hufnaanta doorashada, habka soo xulista ergooyinka, kaalinta dhaqanka iyo bulshada rayidka ah, wadashaqeynta guddiyada dhexdooda, qoondada haweenka, dhaqaalaha ku baxaya doorashada iyo qodobbo kale oo doorashada khuseeya," ayuu qoray bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan ku ballannay in dhaqso oo bilaabo wajiga labaad ee doorashada oo ah doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka iyo in doorashadu noqoto mid hufan oo ka maran qof jecleysi".

Ugu dambeyntii, Rooble ayaa si cad u sheegay in xafiiskiisa uu si gaar ah isha ugu haayo dhamaan hoteelada ay degan yihiin xubnaha guddiyada doorashooyinka isaga oo uga digay in ay dhinac u jaranjeeraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM