Rooble oo gaarey caasimada maamulka Galmudug

Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug iyo Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa ka filayaa inuu safar dhinaca dhulka ah ku tago Gaalkacyo, waxaana ka hor inta aanu aadin Gaalkacyo uu xarigga ka jari doonaa Xarunta cusub ee Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb iyo dhismayaasha Xarumaha Wasaaraddaha.

Rooble ayaa booqashadii uu ku tagey Puntland waxay ku soo dhamaatey is afagaran waa la xiriira doorashada Soomaaliya.

Maamulka Puntland iyo Xafiiska Ra'isal wasaaraha ayaan ka hadlin natiijadii ka soo baxdey wadahadalkaan.

Madaxweyne Dani aya Rooble ku sii sagootiyey garoonka diyaardaha Garowe.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM