Rooble oo ajanda sare ka dhigtay "inqlaabkii dhicisoobay"

Image
Magacaabida guddiga ayaa kusoo beegmaysa xilli lagu waddo in uu qabsoomo shirka golaha wadatashiga qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi la sheegay in uu la baarayo "afgembigii fashilmay 27-dii December, sanadkii horay 2021-ka".

Sida ku xusan wareegto kasoo baxdey xafiiska wasiirka koowaad, guddigan oo ka kooban shan xubnood waxay soo saari doonan warbixin dhameystiran kuna saabsan falkaas.

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay wareegtadan uu arkay Garowe Online.

HOOS KA AKHRSO DIGREETADDA

Iyada oo la fulinayo Go’aankii Golaha Wasiirrada, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir kuwaas oo baaris rasmi ah ku samayn doona dhacdadii 27 December la isku dayay in la afgambiyo Xafiisyada Ra’iisulwasaaraha iyo Xukuumadda

Wasiiradaan ayaa kala ah.

1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye.

2- Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.

3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji - Wasiirka Waxbarashada.

4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.

5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah.

Magacaabida guddiga oo kusoo beegmaysa xilli lagu waddo in uu qabsoomo shirka golaha wadatashiga qaranka ayaa la saadaalinayaa in ay sii xumeyn karto khilaafka labadda masuul.

Dad badan oo la socda siyaasadda Soomaaliya ayaa soo wariyey in Rooble uu "inqlaabkii dhicisoobay" ka dhiganayo ajanda sarre kaasoo uu ku cadaadinayo Farmaajo si faragelinta looga joojiyo.

Rooble ayaa haatan masuul ka ah daadihinta doorashooyinka. Falanqeeyeyaasha waxay ku boorinayaan in uu diiradda saaro hufnaanta geedi-socodkaas waqti badana ku bixin iska celinta Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM