Rooble oo hortagaya baarlamaanka federaalka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya hortagaya 9-ka Febraayo oo ah maalin kadib marka muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweyne Farmaajo uu dhamaado, sidda ay xaqiijiyeen warar xog-ogaal ah.

Sidda ay warbixinadda horudhaca ah muujinayaan, Rooble wuxuu mudaneyaasha u akhrin doonaa warbixin ku saabsan wax-qabadka xukuumadiisa 100-ka maalmood ee xafiiska ay joogto.

Rooble oo la magacaabay 17-kii September, 2020 ayaa bedelay Xasan Cali Khayre kaasoo shaaciyey in uu is-casilay 25-kii Janaayo. Shaacintaas waxay timid saacado kadib markii Golaha Shacabka uu ku dhawaaqay in uu kalsoonida kala laabtey Ra'iisul Wasaarihii 18aad ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qudhiisa wuxuu shaaciyey in 5-ta Febraayo oo ku beegan saddex maalmood kahor dhamaadka muddo xileedkiisa uu baarlamaanka hortagayo. Balse, ma shaacin ajendaha.

Fahfaahinadda qaar ayaa sheegaya in madaxweynaha uu Xildhibaanadda waydiisanayo muddo kororsi si dowladiisa ay doorashooyin uga hirgeliso waddanka kadib markii ay ku fashilantay in mudada dastuuriga ahayd ay ku qabato coddeyn la isla ogol-yahay.

Farmaajo iyo Rooble ayaa 1-da illaa 3-da Febraayo waxay Dhuusamareeb kaga qeybgalayaan shir ay yeelanayaan madaxda dowladda federaalka iyo maamulada kaasoo diiradda lagu saarayo xalinta qodobadda is-faham-waaga ka taagan yahay ee ku geedaaman doorashooyinka.

Qodobadda la isku hayo oo badankooda khuseeya fulinta heshiiskii siyaasadeed ee 17-kii September ayaa kala ah; ciidamadda dowladda ku daabushay gobolka Gedo, guddiyadda lagu muransan-yahay iyo xulista wakiiladda Somaliland ku metela labada Aqal ee baarlamaanka waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Jubaland

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay inay gabi ahaanba la wareegtay saldhigga iyo jasiiradda Kudhaa.

  • Soomaliya

    21-01-2026

  • 09:09AM

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM