Rooble oo isku bedelay laba kamid ah wasiirada xukuumadiisa

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta faray labada wasiir in ay sida ugu dhaqsiyaha badan xilalka ula kala wareegaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wareegto uu soo saaray Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka difaaca ugu magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horay u ahaa Wasiirka Caddaaladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo horay ahaa Wasiirka Gaashaandhigga  XFS u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JFS.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda xilgaarsiinta ayaa, sida laga soo xigtey xafiiska Rooble, wuxuu faray labada wasiir ee la isku baddelay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan xilalka ula kala wareegaan.

Isku-shaandheyntan kooban ayaa kusoo beegantay saacado kadib markii khilaafka madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta uu si rasmi ah u soo shaac-baxay.

Farmaajo ayaa sheegay in Rooble uu ku fashilmay daadihinta doorashooyinka. Hase ahaatee, Rooble wuu iska fogeeyay qaddiyadaas. Xafiiska wasiirka koowaad wuxuu ka cowdey "dacaayado abaabulan".

Is-qabqabsigan ayaa waxaa laga cabsi qabaa in uu dalka geliyo jahwareer cusub iyo hubanti la'aan kale oo baahsan taasoo khatar ku ah xasiloonida siyaasadeed, amniga iyo doorashadda.

Farmaajo ayaa  shan sano xafiiska jooga. Mucaaradka wuxuu ku eedeeyay in uu isku-dhejinayo kursiga. Warar xog-ogaal ah ayaa waxay sheegayaan in Villa Soomaaliya aysan qorshaha ugu jirin xil wareejin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM