Rooble oo kusii jeeda Masar kadib socdaalkiisa Nairobi

Image
Sideedii bilood ee la soo dhaafay, Rooble wuxuu dhowr jeer safaro ku tagay meel ka baxsan Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa wuxuu maalmaha nagu soo fool leh ku wajahan magaalada Qaahira ee dalka Masar, sida uu ogaaday warisdaha Garowe Online.

Socdaalkan wuxuu imaanayaa maalmo yar uun ka dib markii uu soo gabagabeeyay socdaal saddex maalmood qaatay oo uu ku tagay Kenya, kaasoo sida la sheegay su'aalo ka keentay Villa Somalia.

Inkastoo mareegga Garowe Online uusan xaqiijin ajandaha ugu weyn ee socdaalka Rooble ee Masar, haddana wuxuu ku soo beegmayaa xilli Soomaaliya ay ka dhacayso doorasho xasaasi ah.

Dhowr dawlad goboleed oo muhiim ah sida Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa durba u soo gabagabeeyay codbixinta senetarrada. HirShabelle waa maamulka wali aanan bilaabin xulista.

Balse layliga wali horyaala Rooble waa maamulida kuraasta Somaliland. Wakiilada gobolada waqooyi waxaa lagu doortaa Muqdisho maadaama maamulkooda uu sheegto madax-banaani.

7 -dii Ogosto, Rooble ayaa xafiiskiisa Muqdisho kula kulmay Danjiraha Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Nasr, iyagoo ka wada hadlay xiriirka shacabka, labada dowladood iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashigooda.

Waaxda arrimaha dibedda ayaa sheegtay in Qaahira ay Muqdisho soo gaarsiin doonto talaalka looga hortago COVID-19 Ogosto 12 "si ay gacan uga geysato la-dagaallanka fayraska".

Sannadkii hore, waxaa jiray sheegashooyin ah in Masar ay aad u danaynaysay inay saldhig millatari ka dhisato Somaliland, arrintaas oo ka caraysiisay xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Qaahira ayaa, sidda ay wararku tilmaamayaan, waxay rumeysan tahay in saldhig noocaas ah uu ka caawin karto ballaarinta awoodeeda Geeska Afrika, taasoo ay ka soo horjeedo dowladda Itoobiya.

Sidoo kale, Muqdisho waxay ku yaboohday inay heshiisiiso Masar, Itoobiya, iyo Suudaan kuwaasoo isku haya biyo-xireenka Wabiga Nile, kaasoo Masar ay ka soo saartay arrimo ku saabsan.

Illaa iyo hadda, buuxinta biyo -xireenka ayaa ahaa arrin aad u weyn, taasoo shaki ku abuurtay Qaahira iyo Addis Ababa. Soomaaliya waxay dhowr jeer dalalka ku boorisay in ay wadahadal ku dhameeyaan xiisadda.

Sideedii bilood ee la soo dhaafay, Rooble wuxuu dhowr jeer safaro ku tagay meel ka baxsan Soomaaliya, taas oo sidoo kale dhalisay walaac laga qabo inuu go'aansado inuu ku biiro tartanka madaxtinimada bisha Oktoobar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo qabatay rag maleegayay weerar burcad-badeednimo

Laba tuhmane kale ayaa la sheegay inay baxsadeen kuwaas oo ay haatan ku raadjoogaan laamaha ammaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:29AM

Xasan Sheekh oo sagootiyay Ergayga Qaramada Midoobay

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Catriona Lainga, doorka ay ka qaadatay iskaashiga Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:21AM