Rooble oo ogolaadey "codsi uga yimid" Cabdi Xaashi

Image
Talaabadan ayaa ka dambeysay markii dhiancyada ay maanta kulmeen, sida ay shaacisay xukuumadda. [Photo: OPMSomalia]

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed.

Sida uu shaaciyey xafiiskiisa, wadaxaajoodyadda ayaa diiradda lagu saarey sidii xal waara looga heli lahaa is-mari-waaga doorashooyinka gaar ahaan kuraasta xubnaha reer waqoyga ku leeyihiin Senate-ka ku leeyihiin.

Bayaanka ayaa lagu xusay in Xaashi uu codsadey in la siiyo hal maalin dheeraad ah "maadaama laga sugayay xal ay heshiis ku yihiin oo ku aaddan khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi".

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo uu ka sugayay xal ay heshiis ku yihiin oo ku aaddan khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi," ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedka ayaa la raaciyey: "Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo muddo hal maalin ah, codsigaas oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka aqbalay".

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli siyaasiyiinta gobolada waqooyi ay maanta ku eedeeyeen Rooble in uusan si cadaalad ah u maareyn muranka oo kamid ah sababaha daahiyey xulista wakiiladda maamulka Somaliland.

Xukuumadda xilgaarsiinta ee Rooble ayaa horey uga dhawaajisay in ay ka shaqeyneyso sidii xal ooga gaari lahaa, hase ahaatee, waxaa muuqaneysa in kala aragti-duwanaanta iyo kala qeybsanaanta wali jirto.

Siyaasiyiinta Somaliland ee ku sugan Muqdisho ayaa hadda u kala qeybsan laba garab oo ay kala hogaaminayaan ra'iisul wasaare ku xigeenka wadanka Mahdi Guuleed, iyo afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi C/llaahi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM