Rooble oo safar lagu muransan yahay ku tagay Garbahaarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaare Rooble ayaa ka dagay Garbahaarey xilii safarkaan isku khilaafeen madaxda Jubaland. Wasiirka koowaad wuxuu maalmihii la soo dhaafey ku sugnaa magaalada Kismayo.

Weli lama shaacin natiijada ay gaareen guddiyada heer maamul goboleed oo aheyd xal u helida mushkilada gobolka Gedo. Garowe Online wuxuu fahansan yahay in Jubaland aysan raali ka ahayn socdaalkan.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Garbahaaray   ee Gobolka Gedo  Jubaland, halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyeen Maamulka Gobolka  iyo qeybaha kala duwan ee bulshada," ayuu yiri xafiiska Rooble.

Lama ogga mudada uu Rooble baaqi kusii ahaan doono Garbahaarey oo shalay ay gaareen saddex diyaaradood oo siday odayaal dhaqameedyo ay Villa Soomaaliya dejisay qaar kamid ah hoteelada caasimada Muqdisho.

Dhanka kale, Rooble ayaa dhagax dhigay garoonka kubadda cagta ee degmada Garbahaarey, kaa soo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee Xukuumaddu ka hirgelinayso gobolka Gedo.

Garbahaarey ayaa kamid ah degaan doorashooyinka la qorsheeyay in lagu soo xulo Xildhibaanada baarlamaanka 12aad ee Soomaaliya. Hase ahaatee, waxaa muran uu ka taagan yahay qaabka loogu dooranayo.

Socdaalka Rooble ayaa kusoo aadaya iyadda oo lagu wadday in ay shaqo bilaabaan guddiga heerka wasiir ee la qorsheynaayey in ay dib-u-heshiisiin ka bilaabaan Garbahaarey ayna dadka soo doortaan guddoomiye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM