Rooble oo shaaciyey kulan looga hadlayo daahfurnaanta doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Rooble oo hadal ka jeediyey xiritaanka madasha Heritage ee DJabouti ayaa sheegey inuu jiro kulan dhexmari doona xafiiskiisa iyo madaxda maamulada kaas oo looga hadli doono daahfurnaanta doorashada.

Rooble oo kafmaya ayaa xusey in dadku la yaaban yihiin aamusnaantiisa balse taas macnaheedu tahay - "waxaan u dhexeeya Sadex Dab- maamulada Somalida, Musharaxiinta iyo xafiiska Madaxweynaha".

"Dadka waxay is weydiinayaan Ra’iisul Wasaaruhu muxuu la aamusan yahay waayadan, waddamada uu tagay miyaa dhabarka ka soo taabtay, wax kale lama aamusni, dherigii saddexda dhinac u dhaxeeyay ayaa ahay, haddii ay tahay Maamul Goboleedyada, Musharaxiinta iyo Madaxweynaha," ayuu yiri

Wasiirka koowaad ee dalka ayaa tibaaxay: "Waxaa maanta Sharaf ii ah in dowladda aan walaalaha nahay ee Djibouti iyo Machadka Heritage igu casuumaan khudbada xiritaanka shirkaan oo kulmiyay maskaxda Dadka Soomaaliyeed oo ka kala yimid Gobolkaan aan dagno iyo meelo badan oo dunida inteeda kale ah".

Wuxuu xusay: "Waxaan ka mahad celinaayaa taageerada iyo isgarab taagga dhinacyada siyaasadda, Bulshada iyo amniga oo ay dowladda aan walaalaha nahay ee Jamhuriyadda jibuuti ay had iyo jeer la garab taagan tahay ummadda Soomaaliyeed".

Isaga oo sii hadlaya, Rooble ayaa shaaciyey in safarkii uu ku tagay Qadar uusan bedelin mowqifkiisa doorashadda uuna wali u taagan yahay qabashadda doorasho hufan.

Kulanka uu Rooble iclaamiyey ayaa kusoo beegmaya xilli midowga musharaxiinta madaxtinimadda ay dureen qaabka ay ku bilaabatay xulista Aqalka Hoose ayna dalbadeen in shir degdeg ah la isugu yimaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM