Waanwaanta muranka kuraasta Somaliland oo "lasoo afmeeray"

Image
Dhawaqan ayaa kusoo aadaya xilli uu Cabdi Xaashi maanta gudbiyey tallooyin ku saabsan xalka khilaafkan. [Photo: OPMSomalia]

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Rooble u gudbiyey tallooyin xalal ah, sidda ku xusan qoraal uu soo saarey Isniinta maanta ah.

Sidda laga soo xigtay qoraalkaas uu arkay warsidaha Garowe Online, tallooyinkan ayaa saabsan hanaanka maamulka doorashada kuraasta gobollada Waqooyi ee Somaliland oo khilaaf ba'an uu hareeyay.

Tallooyinka ayaa kala ah;

- In guddoomiyaja Aqalka sare iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka ay noqdaan hoggaanka wadajirka ah ee haga doorashooyinka xildhibaannada Somaliland.

- Dib u mideynta guddiga doorashooyinka ee SEIT.

- In guddiga SEIT ay iska dhex doortaan 8-da xubnood ee deegaan doorashada Somaliland ka imaanaya, haddii ay ismari waayaanna loo  sameeyo isla guddoon sida lagu heshiiyey 19-kii June 2020.

- In doorashada xildhibaannada Somaliland lagu qabto Hargarka garoonka ciidammada cirka, si loo gaaro amni la isku haleyn karo

Dhawaqan ayaa imaanaya xilli Rooble uu shalay la kulmay Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed halkaasoo uu ku aqbalay "hal codsi oo kaga yimid afhayeenka Senate-ka".

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo uu ka sugayay xal ay heshiis ku yihiin oo ku aaddan khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi," ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale, Rooble oo maanta soo gabagabeeyay waan-waanta uu ka dhex-waday dhinacyada isku haya maamulka doorashooyinka kuraasta gobolada waqooyi ayaa shir deg-deg ah oo berri qabsoomaya isugu yeeray guddiga maamulaya coddeynta heer federaal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Siyaasiyiinta Somaliland ee ku sugan Muqdisho ayaa hadda u kala qeybsan laba garab oo ay kala hogaaminayaan ra'iisul wasaare ku xigeenka wadanka Mahdi Guuleed, iyo afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM