Rooble oo u safray Kuwait xillli uu awaamiir dul-dhigay wasiiradda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu horkacayo ayaa ugu dhoofay Kuwait ka qeyb-qeybgalka tacsidda Amiirkii geeriyooday ee dalkaas Sheekh Sabaax Al-Axmed Al-Sabaax.

Warar ayaa sheegaya in Rooble uu bedelay Farmaajo oo booqashadan uga baaqdey socdaalkiisa Suudaanta Koonfureed halkaasoo uu kamid ahaa madaxdii goobjooga ka ahayd dhaqan-gelinta heshiiska nabadeed ee qaranka Suudaan.

Safarkan wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay oo Rooble ugu amababaxo meel ka baxsan waddanka tan iyo markii xilkaan loo magacaabay 17-kii bishii hore ee September ka gedaal markii 60 maalmood uu banaa markii la eryay Xasan Khayre.

Dhanka kale, warqad la sheegay in ay kasoo baxdey xafiiska Rooble kuna taariikheysan 3-da bishan October ayaa amar lagu dul-dhigay sii-haayeyaasha wasiirada ka ah xukuumadda aan wali dib loo cusbooneysiin ee lumisay kalsoonida.

Sidda laga soo xigtay qoraalka, wasiirada waa in ay dhowraan habraaca xukuumada, in ay ra'iisul wasaaraha kusoo war-geliyaan kahor shaacinta go'aan ay gaarayaan iyo in aan laga ogolaan doonin talaabo kasta oo habkaas loo marin.

Amaradan ayaa kusoo hagaagaya xilli ay soo baxayaan warar tilmaamaya in mudadii ra'iisul wasaare la'aanta ahaa waddanka ay wasiirada qaarkood sameeyeen ku tagrifal awoodeed isla markaana ay sameyeen "magacaabid boob ah".

Inta badan marka waddanka ku guda jiro mar-xalada kala guurka waxaa dhacda in ay mas'uuliyiinta xilka sii haysa ay isku dayaan in ay shaqsiyaadka ku heebta ama saaxiibada la ah ay uga faa'iideeyaan waajibaadka qaranka u haayaan.

QORAALKA ROOBLE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM