Rooble oo u socdaalay Qadar xilli xiisad siyaasadeed ay jirto

Image
Dooxa ayaa la sheegay in ay martiqaad rasmi ah u fidsay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa Isniinta maanta ah u dhoofay caasimadda Dooxa ee Qadar kadib markii uu helay casuumaad rasmi ah.

Lama ogga sababta dhabta ah ee ka dambeysa martiqaadkaas balse waxay kusoo aadaysaa xilli Soomaaliya ay isku-diyaarineyso doorashooyin iyo xiisad siyaasadeed.

Xafiiska wasiirka koowaad oo fahfaahin ka bixiyey socdaalka Rooble ayaa sheegay "in uu daaran yahay xoojinta cilaaqaadka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labadda wadan".

"Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo  wafdi uu hogaaminayo ayaa u dhoofay magaalada Doha ee dalka Qatar maanta  ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Xamad Al Thani," ayaa lagu yiri bayaanka.

War-saxaafadeedka ayaa la raaciyey: "Ujeeddada booqashada Ra’iisul wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa ah sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Qadar".

"Ra’iisul wasaare Rooble ayaa inta uu joogo Doha waxa uu kulan la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Khalid Bin Khalifa Bin Cabdulcasiis Althani," ayuu xusay.

Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Dowlad Qatar ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya iyadoo hadda ka wadda mashaariic horumarineed oo ay ugu weyn tahay dhisamaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo la dhammeeyay iyo sidoo kale Muqdisho iyo Jowhar ooh hadda ay howsheedu".

Qadar ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay waxay xulafada ugu dhow ee maamulka waqtigu ka dhacay ee Farmaajo kaasoo haatan doonaya in dib loo doorto balse wajahay cadaadis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM