Muranka kuraasta Somaliland oo galay mar-xalad culus

Image
Siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland oo ku shiray Muqdisho ayaa cod dheer ku dalbadey "geedi-socod cadaalad ah". [Photo: GO]

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiyiinta gobolada waqooyi oo maanta mar kale ku shiray magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa caddeeyay in wali is-mari-waa uu ka jiro doorashada kuraastoodda.

Xildhibaano ka tirsanaa baarlamaankii 10aad, siyaasiyin xilal horey u soo qabtey iyo taageereyaashooda ayaa soo bandhigay "xaqdarooyinka" lagu sameeyay kahor qabashadda doorashooyinka.

Qodobadda ay ka cawanayaan ayaa kala ah; In ay ka qeybgalaan gogosha doorashooyinka, In aan soo xulano xubnaha guddiga doorashooyinka, In aan u madax-banaanaano maamulka doorashooyinka, In doorashada lagu qabto goob madax-banaan oo la doonayo in laga dhigo xerooyin ciidan iyo In si xalaal ah loosoo xulo ergada dooraneysa Xildhibaanada.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kamid ah dhinacyada kulanka ka hadlay ayaa ku booriyey ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble in uu adkeeyo dhexdhexaadnimada.

"Anigu ra'iisul wasaare Maxamed Rooble waxaan leeyahay arrinta reer waqoyga yaan mar kale lugaha laguu gelin dhiiqo. Dadka u cadaalad fal oo kuraastooda dhexda u keen," ayuu yiri Maareeye.

"Tashano, annaga waanu tashan"

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo si adag ula hadlay Rooble ayaa ku wargeliyey "ma nihin dad go'aan loo gaaro. Aan wadatashano. Ma nihin dad loo taliyo. Reer waqoyga waa cudurudka dadka Soomaalida".

"Mudane ra'iisul wasaare haddii aad tashato waxaan imaan doona wax dhabanka lala qabsado. Anaga waanu tashan haddii aad adigu iskaaga u tashato," ayuu hadalkiisa kusoo gabagbeeyay.

Is-mari-waaga ka taagan kuraasta gobolada waqooyi ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kamid ah arrimaha dib-u-dhac ballaaran ku keenay qabsoomida coddeyntan loo balansanaa 2020-21.

Xukuumadda xilgaarsiinta ee Rooble ayaa horey uga dhawaajisay in ay ka shaqeyneyso sidii xal ooga gaari lahaa, hase ahaatee, waxaa muuqaneysa in kala aragti-duwanaanta iyo kala qeybsanaanta wali jirto.

Siyaasiyiinta Somaliland ee ku sugan Muqdisho ayaa hadda u kala qeybsan laba garab oo ay kala hogaaminayaan ra'iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, iyo afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi C/llaahi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM