Rooble oo war cusub kasoo saarey doorashooyinka

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa sheegay in ay go'an tahay wareejinta xilka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Khamiista maanta ah tababar u soo xiray gabdho ka tirsan ciidanka Haramcad ee booliska Soomaaliyeed.

Isla munaasabadaas ka dhacdey xarunta booliska Jeneraal Kaahiye ee Muqdisho, waxaa derajooyin loogu xirayay saraakiil tababar layli sarkaal ku soo qaatay dalka Masar.

"Waxaan hambalyeynayaa gabdhaha ka tirsan Ciidanka Haramcad ee Booliska Soomaaliyeed ee tababarku u soo dhammaaday iyo saraakiisha tababarka layli sarkaal ku soo qaatay dalka Masar," ayuu yiri.

Wasiirka koowaad ayaa ku daray: "Boolisku waa udub dhexaadka Ciidammada Qalabka sida, waana cudud fulinta sharciga, sugidda amniga iyo dhowrista nidaamka dowladnimada ku leh kaalinta ugu weyn".

Dhanka kale, Rooble ayaa hoosta ka xariiqay in uu diiradda saarayo sidii dalka uga dhici lahayd doorasho la isla ogol-yahay uuna diyaar u yahay in uu xilka ku wareejiyo si nabad ah.

"Si aan xafiiska sida ugu dhaqsiyaha ugu faarujiyo waa in doorashooyinka si deg deg ah loo qabto wayna iga go’an tahay in aan xilka deg deg ku wareejiyo, Booliskana waa hormuudkeyga Doorashooyinka," ayuu yiri.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa si weyn dib ugu dhacay. Todobaadkii hore waxaa bilaabatay xulista xubnaha Aqalka Hoose. Bilooyinka nagu soo aadan waxaa la filayaa in coddeynta la dhameystiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM