Rooble oo la xiriiriyey boobka dhulka ciidanka badda Soomaaliya

Image
Dhanka kale, xafiiska wasiirka koowaad ayaan wali si furan uga jawaabin eedeyntan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa wuxuu guri raaxo ah oo degaan ah ka dhisanaya dhulka ciidanka badda Soomaaliyeed, sidda uu shaaca ka dhigay taliska ciidamadda.

Cabdixamiid Maxamed Dirir oo kasoo muuqdey shir jaraa'id uu ku qabtey magaalada caasimada ah ee Muqdisho, ayaa si kulul u cambaareeyay falkan "foosha xun ee aan geedka loogu soo gaban".

"Waxaa ayaan-darro ah in la hunguriyadeeyo hantida ma guurtada ah ee u hartey ciidanka badda Soomaaliyeed. Waxaan leenahay wax socon karo ma ahan, wax la qaadan karo ma ahan, wax la aqbali karana ma ahan," ayuu yiri.

Dirir oo aan soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadiisa ayaa shirka jaraa'id ku qabtey dhulka uu tlmaamay boobka uu ku socdo. Muuqaalada waxay tusinayaan in uu dhisme ku soconayo.

Sida laga soo xigtey Dirir, waxaa loogu hanjabay in xilka laga qaadayo haddii qadiyaddan uu si cod dheer ah uga hadlo. "Laakiin, nalkuma cabsi-gelin karo xilkaa lagaa qaadayaa, jagadu waa meerto," ayuu xusay.

"Waxaan u dhaaranay waa ilaalinta danta dalka, dadka iyo hantida maguurtada ah ee ciidanka. Mana aqbaleyno in horteena lagu qaato dhulka ciidanka badda Soomaaliyeed," ayuu tibaaxay.

Dhanka kale, xafiiska ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaan wali si furan uga jawaabin eedeyntan. Isku-dayo warsidaha Garowe Online u sameeyay si uu ula xiriiro ayaanan guuleysan.

Balse, Jeneraal Bashiir Goobe oo ah sarkaalka ciidan ee ugu darajadda sareeya ciidamadda Soomaaliya, ayaa difaacay Rooble wuxuu qashinka ku daray eedeynta taliye Cabdixamiid.

Eedeynta Cabdixamiid ayaa kusoo beegmaysa xilli dhowaan Rooble uu eryay xubo ka tirsan Guddiga Xalinta Khilaafaadka. Villa Soomaaliya waxaa lasoo wariyey in ay aad uga carootay talaabada wasiirka koowaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM