Roobow: Nabad ayaan wax ku raadinayaa hadaan la i qasbin

Image
Abuu Mansuur oo xabsi guri ugu jira dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey ammaankiisa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo la sheegay in wareysigii ugu horeeyay uu bixiyey isaga oo xabsi guri ugu jira dowladda federaalka ayaa walwal ka muujiyey badqakiisa.

Hogaamiye ku xigeenkii hore ee dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa sheegay in goobta uu haatan ku xiran yahay oo ku taala Muqdisho ay ilaaliyaan wax uu ku tilmaamay "maleyshiyo beeleed".

"Amnigayga mar-xalado kala duwan ayuu soo maray. Balse, waxaa mar walba gacanta ku hayey ciidamada Waran. Hadda kuma dhihi karo amaankeyga iyo nolosheyda way sugan yihiin," ayuu yiri.

Sida laga soo xigtey Abuu Mansuur, ciidamada Waran waxaa laga soo kala xulay saddex magaalo oo kala ah; Gaalkacyo, Dhuusamareeb iyo Cadaado oo badankooda hoostaga maamulka Galmudug.

Roobow oo mar kale ku celiyey in uu ka tanaasulay fekerkii xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida ayaa xusay "in uu nabad wax ku raadinayo hadii la qasbin".

"Aniga nabad baan wax ku raadiyey waana ku raadin doonaa haddii aan la i qasbin. Aniga waxaan ahay qof ogol in la tartamo wixii Ilaahey ku siiyay la kala helo," ayuu ku daray hadalkiisa.

Abuu Mansuur ayaa dhamaadka sanadkii 2018-kii waxaa laga soo xiray magaalada Baydhabo ee caasimada ku meelgaarka Koonfur Galbeed isaga oo musharax u ah hogaanka dowlad goboleedkaas.

Iyada oo adeegsanaysa ciidamadda Itoobiya ee qeybta ka ah taliska AMISOM, dowladda Soomaaliya ayaa soo qabatay Roobow oo kalkii hore ay u wadatay in uu madaxwayne ka noqdo Koonfur Galbeed.

Xarigiisa ayaa horseeday banaanbaxyo rabshado watay oo gilgilay magaaladda. Ciidamadda dowlada waxay rasaas nool nool u adeegsadeen kala eryida dadkaas taasoo dishay in ka badan 15 qof rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM

Xildhibaannada Baarlamaanka oo Laga Mamnuucay inay ka baxaan Muqdisho

Koox xildhibaanno federaal ah oo u safrayay Garoowe ayaa shalay lagu qasbay inay dib ugu soo laabtaan Muqdish.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 08:32AM