Ruux la sheegay in uu ka tirsanaa Daacishta Soomaaliya oo la xukumay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxay xukun ku ridday shaqsi la sheegay in uu xubin ka ahaa dagaalameyaasha Daacish.

Xasan Cali Nuur [Shuute], gudoomiyaha maxkamada ciidamadda, ayaa sheegay in eedeysanaha "lagu helay" dambiyadda lagu soo oogay laguna xukumay dil toogasho.

Isagoo war-fidiyeenka u mariyey xukunka, Shuute ayaa xusay in Maxamed Cali Maxamed [Abuu Hureyra] ay "ku cadaatey" dil uu u geystay askari iyo in uu kamid ahaa ururkaas.

"Ciddii aan u qanacsaneyn xukunka waxaa u furan racfaan 30-maalmood ah," ayuu guddoomiye Shuute kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa aaminsan in Abuu Hureyra uu tababar kusoo qaatay degaanada Puntland kahor inta aan loosoo wareejin Muqdisho si uu u fuliyo "howlo xagjirnimo ah".

Dilka lagu eedeeyay waxaa suuqa bakaaraha loogu geystay Maxamed Cabdi Dhuxulow, oo ahaa askari la shaqeynaayey Dowladda Hoose ee Xamar, sidda ay sheegtey maxkamada.

Daacishta Soomaaliya oo fariisinkeeda ugu weyn uu yahay buuraleyda Golis ee Puntland ayaa soo ifbaxday 2015-kii. Cabdiqaadir Muumin oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaana hogaamiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM