Ruux qarax dhigayay waddo mas'uuliyiin lagu laayay oo la toogtay

Image

JOWHAR, HirShabelle – Ciidamadda amniga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay toogteen shaqsi looga shakisan yahay Al-Shabaabnimo oo Miino duugayay, sidda ay wararku sheegayan.

Ruuxan ayaa la tibaaxay in uu walxaha qaraxa ku aasayey wadada isku xirta magaaladda Balcad iyo degaanka Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha xoogaga dowladda ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in ay meesha kasoo qaadeen walxaha qarxa iyo Bastoolad uu ninka watay.

"Bastooladda malaha wuxuu u soo qaatay si uu isku difaaco hadii lasoo kadiyo," ayuu yiri Korneyl Cali Maadow, oo saraakiisha ka tirsan.

Ma cadda hadii ruuxa uu dagaalamay. Balse dhinacyadda laamaha nabad-gelyadda u hadlay waxa ka gaabsadeen in ay kala caddeeyaan arrinkaas.

Wadadaas, oo muhiim u ah isu socodka gobolka, ayaa waxaa lagu dilay mas'uuliyiin kala duwan oo u badan heer goboleed kana tirsanaa maamulka Jowhar.

Horaantii bishan September ayay ahayd markii AlShabaab ay halkaas ku dishay wasiir hore oo HirShabelle ah iyo gudoomiye ku xigeenkii gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa falkaas kadib walaac ka muujiyey xaalada amni ee maamulkiisa isaga oo codsadey wax-qabad degdeg ah.

Sidda laga soo xigtay Waare, degaanada dowlad goboleedkaas, ayaa waxaa u soo wareegay Al-Shabaabkii lagu soo racdeeyay howlgalada Shabeellaha Hoose.

HirShabelle, oo ah maamulkii ugu dambeeyay ee ka hano qaadey Soomaaliya, ayaa khatarta ugu badan ee haysata oo ah ammaanka wuxuu kala kulmayaa dagaalameyaasha gacansaarka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM