Ruuxaan: Guutada laga yagleelay xubno kasoo goostay Al-Shabaab

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya, in ka badan tobban sano, waxay xusul-duub ugu jirtaa sidii ay u ciribtiri lahayd argagixisada, iyadoo kaashaneysa saaxiibbo caalami ah, loona marayo xeelado kala duwan.

Jubaland, maamul goboleed ka tirsan dowladda federaalka, waa mid kamid ah meelaha laga dhaqan-geliyey xeeladaha lagu guuleystay.

Kismaayo, oo ah caasimadda ku meel gaarka maamulkan, waxaa lagu sheegaa in ay kamid tahay magaalooyinka ugu amniga wanaagsan dalka.

Mas'uuliyiinta ayaa ku doodey in sababtu ay tahay in sugidda ammaanka la siiyey ahmiyadda ugu sareysa, iyadoo la adeegsnayo sirdoon culus.

Ruuxaan

Inkastoo magaala madaxda rasmiga ah ee maamulku tahay Jilib uuna haysto ururka gacansaarka la leh Al-Qaacidda, xubnaha kasoo goosanaya waxay noqdeen cudud lagu wiiqo.

Tusaalaha ugu wanaagsan waa Ruuxaan, guuto kamid ah ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Jubaland ee baacsanaya Al-Shabaab.

Askarta ka tirsan guutadan ayaa badankooda kasoo goostay Al-Shabaab, waxaana loo diray furimaha dagaalka markii la dhaqan-celiyey.

Cabdiqaadir, taliyaha guud ee guutada Ruuxaan, ayaa sharaxaad ka bixiyey sababta ay uga soo horjeesteen "saaxiibadoodii hore".

"Annaga kaskeena ayaan isku geynay. Annaga ayaana codsaney in aan meeshaan fadhino oo waddankeena cadowga ka qabano. Ma jirto cid na qasabtay," ayuu Cabdiqaadir yiri.

Khatarta

Guutadan oo fulisa howlgalada gaarka ah ayaa xubno sirdoon ah ku dhex leh Al-Shabaab dhexdooda, soona gudbiya macluumaadyo muhiim ah.

"Waxaan qoriga u qaatay in aan u dagaalamo dadkeyga iyo dalkeyga, waana u dagaalmayaa inta aan dhulka kala simayo Al-Shabaab," ayuu yiri mid kamid ah askarta.

Balse in aad kamid noqoto Ruuxaan waa khatar weyn, Cabdiqaadir, bishii December, 2019, Al-Shabaab ayaa walaalkii ka yar ku beegsatay magaalada Salagle ee gobolka Jubada Hoose.

"Waxaa loo dilay, aniga xagooda 'gaal' soo kama ahi, nin 'gaal ah' baad la shaqeysaa ayaa loo dilay," ayuu hadalkiisu ku daray.

Faadumo Shariif, xaaska Cabduqaadir, oo ku faraxsan nolosha cusub ee saygeeda, ayaa is-barbardhig ku sameysay waayihiisa Al-Shabaab iyo kamid noqoshadiisa Ruuxaan.

"Isbedel wayn ayaan ku arkay. Shabaabta dhib ayaan ku qabnay. Todoba bilood, sideed bilood ayuu maqnaanayaa, dagaal ayuu aadey, lacag laguuma siinaayo caruurta, rafaad ayaan ku qabnay," ayay raacisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM