RW Hamsa : Doorasho dadban dib loogu noqon mayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeyb galay Affur Wadareedka Sanadlaha ah ee is aragga Xukuumadda iyo Bulshada Qeybaheeda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xmasa Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey Affur Wadareedka Sanadlaha ah ee is aragga Xukuumadda iyo Bulshada Qeybaheeda kala duwan, ayaa ku boorriyey in ay hormuud u noqdaan dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay si aan dalku u gelin hubinta la’aan siyaasadeedna in ay muhiim tahay in hadda sameeyo shuruucdii hagi lahayd doorashooyinka dalka, si aan hadhow u imaan muran siyaasadeed oo doorashooyinka la xiriira.

“Berri marka ay harto waqti yar, haddii aan dhahno waxaan magacaabaynaa guddi doorasho, waxaa dhacaysa hubinta la’aan siyaasadeed sidii dhici jirtay, si aan dalku u gelin hubinti la’aan siyaasadeed, waxaan u baahan nahay hadda in guddi doorasho la magacaabo, iyaguna ay diyaariyaan axsaabtii, si dalku waqtigii loogu talagalay u galo doorasho aan muran lahayn”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhammeystirka Dastuurka KMG ah ee horyaalla Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yahay hortabin wadareed dadka Soomaaliyeed oo dhan u taalla, taas u baahan in la isku kaalmeysto ee aan u baahayn in la isku mucaarido.

Mudane Xamsa ayaa xusay in Dastuurku uu ku jiro gacan aamin ah, muhiimna ay tahay in looga danbeeyo hey’adaha shaqada ku leh, si meesha looga saaro arrimaha waaweyn ee dastuurka ku xiran, sida gobonnimada, amniga iyo horumarka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in amniga caasimadda uu ka muuqdo isbeddel u baahan in horey loo sii wado, isaga oo bogaadiyey tallaabooyinka lagu ciribtirayo dhaqamada xun-xun ee dhaawacaya bulshada Diinteeda iyo dhaqankeeda.

Hadalka Ra’isal Wasaaraha ayaa imaanaysa xilli wax ka badal lagu sameynayo Dastuurka Soomaaliya uu kiciyey muran siyaasadeed.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya: Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo qarax lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 06:36PM

Mareykanka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex-dilaacay taliska Danab

Washington ayaa hakisay qaar kamid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay dowladda Soomaaliya sanadkii 2017.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:39AM