RW Khayre “Dhalinyaradu waa udub dhexaadka dawladnimada”

Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb Kulan looga wada tashanayey sidii loo sameyn lahaa siyaasad mideysan oo dhalinyarada hagta, kaas oo soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo munaasabadda ka hadlay ayaa iftiimiyey muhiimadda uu dhalinyarada u leeyahay barnaamijkani, isagoo xusay Xukuumadda uu hoggaamiyo muhiimad gaar ah ay siineyso horumarinta dhalinyarada Somaliyeed.

‘’Dhalinyaradu waa udub dhexaadka dawladnimada Somaliyeed. Horumar kasta oo aan hiigsaneyno waxaa hormuud u ah dhalinyarada, maanta waxaan haysanaa fursado dahabi ah oo aan gacan uga geysan karno dib-u-dhiska iyo soo celinta sharaftii iyo karaamadii ay Soomaaliya lahayd,’’Ayuu yiri Ra’isal Wasaare Kheyre.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu xusey in caqabadaha ugu weyn ee dhalinyarada Soomaalida soo wajahey muddooyinkan dambe ay ka mid ahaayeen falalka argagixisada iyo dhibaatooyinka kale ee soo biiray, kadib, dawlad burburkii Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ka hor waxaa Iyana halkaasi hadal ka jeedisey Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka , Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye. Munaasabadda ayaa waxaa kale oo ka soo qeyb galey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xayiraad saartay Duulimaadyadii Baydhabo

Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa iska fogeysay in ay jirto xanibaad rasmi ah oo ay iyagu soo rogeen.

  • Soomaliya

    17-03-2026

  • 11:32AM

Villa Somalia oo xiriir la samaysay Laftagareen si looga hor tago doorasho inuu qabsado

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya haddii cadaadiskan uu sii socdo, in Laftagareen uu ka bixi karo isbaahaysigii hore.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 07:27PM