RW Khayre oo booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay Wehliyaan Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa Booqday Cisbitaalada la Dhigay Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii shalay ka dhacay afaafka National Theater ee magaalada Muqdishu.

Cisbitaallada uu booqday Ra’iisul Wasaare Kheyre waxa ay kala ahaayeen; Madiina iyo Erdogan, isagoo midmid u xog wareystay dadka dhaawayadu soo gaareen, si uu u qiimeeyo xaaladahooda iyo nabarrada kasoo gaaray weerarkaas.

Mudane Kheyre ayaa Warbixino ka dhageystay Saraakiisha Caafimaadka ee xarumahaas caafimaad, wuxuuna ka dalbaday in dag dag loogu soo gudbiyo bukaanada Xaaladdooda Caafimaad aan waxba looga qaban karin gudaha dalka.

Agaasimaha Cisbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Cisbitaalka Madiina la soo gaarsiiyay dhaawacyada 20 ruux kuwaas oo hadda xaaladdooda Caafiimaad ay la tacaalayaan.

Sidoo Kale Saraakiisha Ciifimaadka Cisbitaalka Ordogan ayaa xagooda sheegay in lasoo gaarsiiyay 1 bukaan ayna daweynayaan.

Intaas Kadib Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa u Sheegay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA in uu magacaabay guddi gaar ah oo isugu jira Dhaqaatiir, Aqoonyahan iyo Culimaa’udiin, kuwaas oo si gaar ah u qiimeyn doono dadka Dhaawacyadoodu ay culisyihiin waxna aan looga qaban karin gudaha dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Caawa booqday Goobtii uu qaraxa ka dhacay, waxaana halkaasi la geeyay howlwadeeno ka tirsan waaxda nadaafadda ee dowladda Hoose, iyagoo isla caawa bilaabay howlo lagu nadiifinayo burburka iyo waxyaabaha kale ee ka dhashay Qaraxa.

Kooxda Al Shabaab ayaa weerarkaas waxay ku dhisay ku dhawaad toban ruux kadib markii baabuur lagasoo buuxiyay walxaha qarxa uu beegsaday bar ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa dowladda Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM