​RW Khayre oo gaarey Magaalada Doxa [Sawirro]

Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Doxa ee dalka Qatar. 

Khayre ayaa halkaas u tagay ka qayb galka shirka Doxa Forum oo berri ka furmaya Hotelka Sheraton.

Soo dhaweyn ballaaran ayaa loogu sameeyay Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha garoonka diyaaradaha Hamad International Air Port, wyxuuna mudane Khayre bartiisa twitter-ka ku soo qoray inuu nabad tagay Doxa.

Khayre ayaa sheegay inuu ka qayb galayo shir muhiim ah oo looga hadlay arrimaha Somalia.

Shirkan oo ah mid sannadkiiba mar la qabto ayaa kalkan ka qayb galaya siyaasiyiin, aqoonyahano iyo madax kala duwan.

Wararka ku saabsan kulankaas ayaa sheegaya in diirada lagu saarayo arrimo ay kamid yihiin; dhaqaalaha, maalgashiga, amniga iyo qaxootiga.

Waa safarkii u horeeyay ee Ra’iisul Wasaare Khayre uga baxo Somalia tan iyo markii xilkaas loo magacaabay bishii February.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM