RW Khayre oo la kulmay haweenka iyo maamulka Banaadir

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka   Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan Qado Sharafeed ah la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xasan Jimcaale , Haween iyo Xildhibaanada dumarka ah ee ku jira labada aqal ee Baarlamaanka.

Waxana ujeedka kulankani ahaa mid looga hadlayay wada shaqayn dhex marta Dawladda iyo Haweenka Soomaaliyeed, isla markaana looga xaajoonayay sidii wadajir looga qeyb noqon lahaa gurmadka Shacabka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin qoondada haweenka ee goleyaasha qaranka, isagoo kula dardaarmey inay u midoobaan gaarista hadafkooda siyaasadeed, isla markaana ay door weyn ku yeeshaan talada iyo dib u dhiska dalka.

Wuxuuna ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed dadaalka ay muujiyeen, isagoo ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dadaallada la doonayo in lagu samata-bixiyo shacabka Soomaaliyeed ee Abaaruhu ku dhufteen.

Mr Kheyre, ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay sidii muhiimadda koowaad loo siin lahaa dadka u dhimanaya gaajada iyo biyo la’aanta isla markaana Xukuumadda uu soo dhiso doono ay ka shaqayn doonto u adeeggidda baahiyada gaarka ah ee shacabka Soomaaliyeed si looga gudbo abaaraha iyo dhibaatooyinka ka dhasha ee had iyo jeer soo noq-noqda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo qaar kamid ah Haweenkii kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha dadaalkiisa ku aadan in il gaar ah lagu eego xaaladda daran ee ka dhalatay abaaraha ka jira dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM